Dilal ka dhacay Guriceel iyo cabsi ka dhalatay arrintaa

Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, muddo toddobaad gudihiis ah waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay dhowr qof oo qaarkood loo dilay sida wararku sheegayaan aano qabiil.

Allaha u naxariistee nin dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cali Hudey ayaa xalay fiidkii dabley hubeysan waxaa ay ku dileen magaalada, iyadoo maamulka Guriceel ay sheegeen in ay ku raad joogaan dadkii falkaas ka dambeyay.

Dilka ayaa magaalada ka abuuray xiisad iyo cabsi la xiriirta in ficillada ku saabsan beegsiga aanooyinka qabiil ay sii baahi karaan.

Dad BBC-da la hadlay oo ku sugan Guriceel ayaa sheegay in ay dareemayaan cabsi ah ka dhalatay falalkaan ku soo kordhay magaalada ee la xiriira dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil.

BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker