Dalalka Israa’iil ku taageray dagaalka Xamaas iyo kuwa cambaareeyay

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Israa’iil iyo Xamaas ayaa galay bishii labaad, kaas oo qarxay 7-dii bishii Oktoobar.

Dagaalka kadib, waddamada caalamka ayaa ku kala aragti duwanaa dagaalka, kuwa ayaa taageerayay halka kuwa kalena ay cambaareynayeen.

27-kii bishii Oktoobar, golaha ammaanka ee QM ayaa soo bandhigay qaraar lagu joojinayo dagaalka si gargaar loo gaarsiiyo Qasa.

Reer galbeedka

Dalal badan oo reer galbeed ah ayaa taageeradooda u muujiyay Israa’iil, waxaana kamid ah Mareykanka, Canada iyo UK. Tobanaan kun oo qof oo taageersan Falastiin ayaa todobaadyadii la soo dhaafay dibedbaxyo ka dhigayay waddooyinka London.

Jarmalka Iyo Talyaaniga ayaa taageersan in Israel ‘is difaacdo’. Fransiiska ayaa isna markii dambe bedelay go’aankiisa kadib markii la dilay dad badan oo rayid ah.

Bariga Dhexe

26-kii bishii Oktoobar, wasiirrada arrimaha dibedda ee Imaaraadka Carabta, Jordan, Baxreyn, Saudi Arabia, Cumaan, Qadar, Kuwait, Masar, iyo Morocco ayaa cambaareeyay tallaabada Israel. Iiraan iyo Turkiga ayaa sidoo kale taageero u muujiyay Xamaas.

Ku dhowaad dhamaan waddamada ku yaalla Asia ayaa taageeray xabad joojinta

Africa

Midowga Africa ayaa 7-dii Oktoobar soo saaray bayaan ay ku taageerayaan Falastiin.

Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xamaas aysan ahayn urur argagaxiso.

Si lamid ah, madaxweynaha Jabuti waxaa uu sheegay inay dhaqaale ku taageri doonaan Xamaas.

Koonfur Afrika waxay sheegtay inay u yeeraneyso dhamaan diblumaasiyiinteeda ku sugan Israa;iil.

Tunisia ayaanan u codeyn in xabad joojin lagu dhawaaqo.

Dalalka kale ee ka gaabsaday xabad joojinta aya kala ah Cameroon, Itoobiya, South Sudan iyo Zambia.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker