Israel oo sheegtay in tobaneeyo kolonyo gargaar sida ay gaadheen Qasa

Ilaa 70 kolonyo oo sida gargaar caalami ah ayaa maanta gudaha u galay Qasa iyagoo soo maray xadka Rafax, sida laga soo xigtay wasaaradda gaashaandhigga ee Israel.

Baabuurta oo sida dawooyin, cunto iyo biyo ayay wasaaraddu sheegtay in la baaray ka hor inta aysan ka soo galin Masar.

Ku dhowaad 500 oo kolonyo gargaar sida ayaa gaaray Qasa ka hor intuusan dagaalku bilaabmin.

Dad gaaraya 1.2 milyan oo qof oo ku nool dhulkaas ayaa ku tiirsan gargaar, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker