Miltariga Israa’iil’: “Waxaan Xamaas ka qabsanay godad iyo goobo kale”

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadoodu ay “la wareegeen xalay fariíssimo ay Xamaas ku leeyihiin Qasa,”.

Hadalkaan ayaa lagu sheegay qoraal ciidamadu ku baahiyeen barta X, oo horey loo dhihi jiray Twitter.

Goobaha ay sheegteen in ciidamada Israa’iil ay Xamaas kala wareegeen waxaa ka mid ah xarumaha lagu tababaro hawl-wadeennada Xamaas iyo godad ay adeegsadaan.

“Waxaan ku dilnay howgalka tiro ka mid ah argagixisad”, ayaa lagu yiri qoraalka milatariga Israa’iil.

Miltariga Israa’iil ayaa sheegay sidoo kale in diyaaradahoodu ay weerar ku qaadeen “ilaa 450 bartilmaameed… oo ay ku jiraan xeryo ciidan, goobo indho-indhayn loogu tala galay, saldhigyada taangiyada” iyo kuwo kale.

Axaddii, Israa’iil waxay sheegtay inay “ku hareeraysan tahay” magaalada Qasa, iyadoo duqeymuhu ay sii socdaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker