Dawladda Maraykanka oo Sarkaal ka Tirsan Shirkadda Hormuud ee dhanka Isgaadhsiinta Duqeyn ku Dilay

Shirkadda Hormuud ayaa sheegtay in Sarkaal u shaqaynayey lagu dilay duqayn maanta ka dhacday meel u dhow degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe Dhexe.

 

Cadnana Xaaji Cali oo ka tirsab shirkadda Hormuud ayaa VOA u sheegay in duqayntaas uu ku dhintay Maxamuud Xaaji Salaad oo ahaa maamulihii Shirkad  ee magaalada Jilib.

 

Cadnaan Xaaji Cali ayaa VOA u sheegay in Ninkaasi aanu wax shaqo ah ku lahayn Urur ama koox, waxaana uu sheegay inuu ahaa Nin rayid ah oo shirkadda u shaqaynayey tan iyo intii la aasaasay.

 

Maxamuud Xaaji Salaad ayaa la sheegay inuu ku sugnaa beertiisa markii Duqayntu dhacday, sida uu VOA u sheegay Cadnaan Xaaji Cali.

 

Maraykanka ayaa Maanta sheegay in Duqaynta ay gaysteen ay ku dileen Xubin ka tirsan Ururka Al-Shabaab, iyo inaan wax rayid ah wax ku Noqonin duqayntaas.

Warbaahinta oo la Xidhiidhay Taliska AFRICOM Ayaan Ilaa Hadda wax Tafaasiil ah ka Bixin Duqayntaas

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker