Dagaalka Xamaas iyo Israel:Blinken oo tagay dal horay uu uga baaqday madaxweynaha Mareykanka

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa maanta ku sugan dalka Urdun si uu wadahadal ula yeesho wakiilo ka socda dalalka Carabta oo la filayo in ay ku baaqaan xabbad joojin degdeg ah oo laga sameeyo Qaza.

Wuxuu la kulmi doonaa Boqor Cabdalla ka hor inta uusan wada hadal la yeelan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jordan, Qatar, Saudi Arabia, Masar iyo UAE, iyo sidoo kale wakiil ka socda maamulka Falastiin.

Waxaa jiray walaac isa soo taraya oo ku saabsan khasaaraha tirada badan ee rayidka soo gaaray.

Sida aan soo tabinnay, Jimcihii baaqii Blinken ee ahaa in dagaalka la joojiyo sababo la xiriira in howlaha bini’aadantinimada fursad la siiyo ayaa waxaa gaashaanka u daruuray ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo sheegay in aan la nasan doonin weerarrada ay ku hayso Qaza ilaa dhammaan dadka la haystayaasha ah ee halkaas ku sugan laga soo daayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker