Madaxweynaha Puntland Oo Qaadacay Wada-hadalka Dowladda Federaalka Somalia iyo Somaliland

Madaxweynaha Maamul  Goboleedka Puntland ayaa Maanta si rasmi ah u daah-furay Kal-fadhiga 46-aad ee Baarlamaanka maamulkaas, isagoona Munaasabdda furitaanka ka jeediyay Khudbad uu uga hadlay Arrimo kala duwan.

 

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Shirka shalay Magaalada Jabuuti uga furmay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Deni in Puntland aanay aqbalayn wada-hadal lala galo Somaliland oo aany maamulkiisa qeyb ka ahayn, isla markaana arrintaas laga leeyahay darro ah oo siyaasadeed.

 

Sidoo kale Deni ayaa waxaa uu tilmaamay in Puntland ay aheyd in laga qeyb geliyo wada-hadalka, hayeeshee arrintaas aysan dhicin, isagoo ku eedeeyay Madaxda dowladda Federaalka inay ku xad-gudbiyeen Dastuurka dalka.

 

“Wadahadalkasta oo Somaliland lala galo oo aanaan qeyb ka ahayn ma aqbalayn annaga ayaa xuduud naga dhaxaysaa, waxayna aheyd in Puntland laga qeyb geliyo oo doorsiiyo gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn” ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland.

 

Ugu dambeyn Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyay in Puntland aysan aqoonsan doonin Natiija kasta oo ka soo baxda wada-hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ku yeesheen Magaalada Jabuuti.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker