António Guterres: “Waan ka argagaxnay weerarka ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen ambalaasyada”

Sabtidii, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa muujiyay dareenkiisa “argagaxa” ee ku aaddan weerarka ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen kolonyo ambalaas ah oo ku sugnaa Gaza Jimcihii, isagoo ku nuuxnuuxsaday in khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ” ay qasab tahay in uu joogsado”.

“Sawirada maydadka oo daadsan dariiqa ku hor-yaala cisbitaalka waa kuwo qalbi jab leh,” ayuu Guterres ku yiri hadal uu soo saaray.

Duqeyntii Jimcihii lala beegsaday gaari Ambalaas ah oo hor taagnaa Isbitaalka Al-Shifa ayaa waxaa ku dhintay 15 qof, waxaana ku dhaawacmay 60 kale, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Xamaas.

Dhankeeda, Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin ayaa bayaan ay soo dhigtay Facebook ku sheegtay, “Ambalaasta oo hoggaaminaysay kolonyada ayaa si toos ah loo la beegsaday gantaal, taasoo keentay in si toos ah loo duqeeyo, iyo sidoo kale shaqaalihii saarnaa iyo kuwa ku dhaawacmay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker