Webiga Jubba oo ku fatahay Baardheere

Wararaka ka imaanaya magaalada Baardheere ayaa sheegaya in xaafadaha magaaladaas ay kala xiran yihiin ka dib markii wabiga Jubba uu ku fatahay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa BBC u sheegay in heerka biyaha ay ka sare mareen buundada magaaladaas.

Fatahaadda wabiga waxaa dheer Roobab seddex maalmood oo xiriir ah da’ayey, inkastoo maanta uu hakaday roobka.

Sidoo kale meelaha qaar waxaa laga so sheegayaa in dadka qaar ah ka qaxeen, ayadoo dadku marka ay biyaha dhex socdaan ay mararka qaar ilaa feeraha gaarayaan biyaha

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker