Puntland oo ku gacan saydhay baaqii Isimada

Maamul goboleedka Puntland ayaa jawaab ka bixiyey hadal ay xalay soo saareen qaar ka mid ah isimada deegaannadaas, kuwaasoo xal u raadinayey khilaafka doorashada la xiriira ee soo dhex galay dawlad goboleedka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Isimada ayaa soo jeediyey in doorashada ay noqoto mid la mid ah tii lagu soo doortay “Madaxweynaha iyo baarlamaanka” oo la micne ah in ay iyagu soo xulayaan. Waxay kaloo ku baaqeen in wakhtigeeda lagu qabto doorashada.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir wuxuu ku tilmaamay arrintaas “fikir” isimada u gaar ah, wuxuuna ku adkaystay inay qaban doonaan doorasho qof iyo cod ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker