DFS oo soo saartay Amar ku socda dadka Hubka ku heysta Muqdisho

Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku Wargalisay Shirkadaha gaarka loo leeyahahay, hay’adaha iyo cid kasta oo hub ku haysata magaalada caasimadda ah ee Muqdisho inay ku soo diiwaan galiso muddo 15 maalin ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda amniga Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in cid kasta oo hub ku heysata gudaha Muqdisho looga baahan yahay inay kasoo diiwaan-geliyaan hubkooda Wasaaradda amniga.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa yaalla hub badan oo sifo sharci darro ah lagu heesto, waxaana inta badan shirkadaha iyo hay’adaha ka shaqeeya Muqdisho hubka ay heestaan kasoo diiwaan-geliyaan wasaaradda amniga.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horey usoo saartay amar lagu mamnuucayo in gaadiidka qoryaha ku rakiban yihiin lagu dhex wato gudaha Muqdisho, sidoo kalena waxay soo saareen oo la ansixiyay xeerar lagu xakameynayo hubka.

Hoos ka Akhriso Warka kasoo saaray Wasaaradda Amniga 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker