Xamaas oo sheegtay oo ka war bixisay jab ay soo gaadhsiisay ciidamada Israa’iil saaka

Waxaan saaka ka warbixinay wararka Israa’iil ee ku saabsan weerarka dhulka ee Qaza – waxay sheegtay in ay u burburinayso Xamaas si “tartiib tartib ah”.

Kanaalka Telegram-ka ee ay maamulaan Xamaas iyo kooxda kale ee Jihaad Islaami oo falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale qeexaya dagaalka Qaza. Saacadihii la soo dhaafay, garabka hubaysan ee Xamaas guutooyinka Al Qassam waxay sheegeen:

  • In ay dileen askari ka tirsan ciidamada IDF waxaana ay burburiyeen laba baabuur oo isku dayay in ay u sii gudbaan waqooyi-galbeed ee Qaza
  • Inay ku gubeen taangi Israa’iili leedahay agagaarka xaafadda Zeitoun, ka dib markii ay ku dhufteen madfac lidka taangiyada ah.
  • Askarta la weeraray oo gudaha u galay dhismo ku yaalla Beit Hanoun oo ay ku dhuumaalaysanayaan rag hubeysan oo ka tirsan ururka Xamaas, ayaa beegsaday cagaf-cagaf iyo gaari ay wateen ciidamada IDF.

Guutooyinka Al-Qudus ee garabka hubeysan ee Jihaad Islaami ayaa sidoo kale sheegay in ay madaafiic ku weerareen laba kooxood oo ka tirsan ciidamada Israa’iil iyo gaadiid dagaal meel u dhow Erez iyo Al-Atatra ee waqooyi-galbeed ee Qaza.

Xusuusin ahaan, BBC-du ma awoodo inay isla markiiba xaqiijiso inta badan sheegashada goobta dagaalka.

Horaantii bishan – ka hor inta uusan bilaaban howlgalka ballaaran ee dhulka – Israel ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah askarteeda lagu dilay weerar ay ka fulisay gudaha marinka Qaza.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker