Golaha Muslimiinta Maraykanka ayaa cadaadis ku aaddan xaaladda Qasa waxa ay saarayaan madaxweynaha maraykanka Joe Biden.
Waxa ay ka dalbanayaan in uu wax ka qabto xaaladda ka jirta marinka Qasa iyo weerarrada duqeymaha ah ee Israaโiil ay ka geysaneyso halkaasi.
Waxa ay sidoo kale ku hanjabeen haddii uusan dhageysan codsigooda in aanay u codeeyn doonin doorashada soo socota.
Kulamada looga hadlayay sidii Biden lagala xaajoon lahaa arrinta Qasa ayaa ka dhacay dhowr gobol oo ka tirsan Mareykanka.