Dhakhaatiirta isbitaalka Al-Quddus oo diiday in ay isaga baxaan isbitaalka kadib digniinta Israa’iil

Duqeymaha xooggan ee Israa’iil ay ka geysanayso waqooyiga Qasa ayaa weli sii socda, iyadoo duqeymo xooggan ay ku dhaceen meel ku dhow isbitaal muhiim ah oo ku yaalla magaalada Gaza.

Hay’adda bisha Cas ee Falastiin ayaa BBC-da u sheegtay in ay duqeymo xiriir ah ku dhaceen agagaarka xarunta isbitaalka Al-Qudus, iyada oo Israa’iil ay u sheegtay dhakhaatiirta in ay isaga baxaan.

Boqollaal bukaanno ah oo ay ku jiraan carruur ayaa lagu daweynayaa halkaasi, waxaana la sheegay in ku dhawaad afar iyo toban kun oo rayid ah ay gabbaad ka dhiganayaan.

Shaqaaluhu waxay muujiyeen in bukaannada laga daad gureeyo goobta ay tahay wax aan macquul ahayn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker