Ciidamada Israa’iil oo jaray waddo muhiim u ah reer Qasa

Taangiyada dagaalka ee Israa’iil iyo gaadiidka gaashaaman ayaa jaray waddo muhiim ah oo ka timaada dhanka waqooyi isla markaana gasha dhanka koonfureed ee marinka Qaza, iyagoo galaya meel u dhow magaalada Gaza, sida ay sheegeen goobjoogayaal Falastiiniyiin ah.

Taangiyadan ayaa lagu soo warramayaa in ay marayeen waddada Salax-al-Diin, oo ku dhow isgoyska Karni-Netzarim, taasoo dhalisay hadal hayn.

Waxaan horey u ogeyn in ciidamada Israa’iil ay sheegeen in ay isku ballaariyeen ciidamadooda dhulka Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay. Milatarigu waxa ay sheegeen in ay si guul leh uga takhaluseen tobaneeyo ay ku tilmaameen argagixiso.

Afhayeenka ciidamada IDF Daniel Hagari ayaa si gaar ah wax looga weydiiyay taangiyada xili subaxnimo ah oo uu ka gaabsaday inuu bixiyo macluumaad dheeri ah.

Waddada Salax-al-Diin ayaa ahayd mid ka mid ah laba waddo oo ay Falastiiniyiinta ku nool qaybta woqooyi ee marinka Qaza ay Israa’iil u sheegtay inay ka guuraan koonfurta si ammaankooda loo ilaaliyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker