Carruurta Qasa oo cabbaya biyo cusbo leh

Carruurtu waxa ay wajahayaan xaalad “masiibo ah” oo ka taagan Qaza, iyadoo waalidiintu aysan haysan wax kale oo aan ka ahayn inay siiyaan biyo cusbo leh, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka carruurta ee Unicef.

Toby Fricker, oo ah afhayeen u hadlay, ayaa BBC News u sheegay biyo yaraanta ka jirtay Qaza xitaa ka hor colaadda hadda jirta ay sare usii kacday.

“Mid ka mid ah xubnahayaga shaqaalaha, waxay haysataa afar jir, iyo toddoba jir, waxayna isku dayaysaa oo kaliya inay ilaaliso, si ay u sii noolaadaan,” ayuu yiri.

“Waxay ka hadashay sida ay u cabbaan biyo cusbo leh, gabadheedu waxay tiri, “Hooyo, maxaa diidaya inaan dib u helo biyihii caadiga ahaa ee aan haysan jirnay maalmahii caadiga ah?”

Fricker ayaa ku baaqay “xabad joojin bini’aadanimo oo degdeg ah” iyo kor u qaadista saadka gargaarka ee QaSa in laga dhigo “mid joogto ah”.

“Waxa aan hadda aragno maalin kasta waa in carruur la dilayo, carruur la dhaawacay, lana naafeynayo,” ayuu yiri.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker