Muqdisho oo laga xusay qaraxii Soobe 2 ee sanad kahor ay ku dhinteen dad ka badan 120 qof.

Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho waxa lagu qabtay isu soo bax loogu duceynayo dad kii ku dhintay qaraxii Soobe 2 oo maanta oo kale sanad kahor ka dhacay halkaas.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka, xubno ka socday maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne fara badan ayaa ka qaybgalay isu soo baxa ducada ah, waxayna Ilaahay uga baryeen dad kii dhintay in uu jannadiisa ugu deeqo, ehel kii iyo saaxiibbadii ay kabaxeena samir uu ka siiyo.

29 Octoobar 2022 kooxda Al-Shabaab ayaa labo gaari oo ay ku soo rarreen walxo qarxa, waxay ku qarxiyeen dhismaha wasaaradda waxbarashada oo ku taala isgoyska Soobe, waxana halkaas ku dhintay dad ka badan 120, kuwaas oo qaarkood nolol iyo geeri toona aan lagu hayn, laakiin loo xisaabiyay inay dhinteen maadaama hilbo bini’aadam oo badan goobta laga ururiyay kuwaas oo aan la aqoonsan.

Dhawaan ayay ahayd markii iyana isla isgoyskan, laga xusay lix sano guuradii ka soo wareegatay qaraxii soobe 1 ee 14 Octoobar 2017, markaas oo la dilay dad ka badan 600 oo qof

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker