Maayar Cabdiraxmaan Soltelco Oo Ku Dhex Seexday Shir Caalami Ah
Waxaa dad bana oo reer somaliland ah ka yaabiyey sawir laysla dhexmarayo oo laga qaaday maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo ku dhex seexday shir caalami ah oo ka dhacay Magaalada Brussels ee dalka Belgium.
Kaaga sii daranoo sawirka waxaa ka qaaday sida la sheegayo Gudoomiyaha gobolka banaadir Eng. Yariisaw hadaba hoosta ka daawo maayarka oo si fiican u khuurinaya.
Afarta Maayer ee lagu Casuumay Caasimada Belgiumka ee Brussels waxa la diray Afarta Maayir ee Hargeisa, Berbera,Bosaaso iyo Mugdisho.
Madaxwayne Farmaajo wuxuu diray Eng. Yariisaw , Madaxwayne Deni isna wuxuu diray Cabdisalaan Bashiir , halka uu Madaxwayne Muuse biixi diray Maayer Soltelko iyo Maayer Ciddin .