Mareykanka oo sheegay inuu weerar ku ekeeyay xaruumo ciidamada kacaanka Iran leeyihiin

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in ay duqaymo ka fuliyeen bariga dalka Suuriya oo ay la beegsadeen laba xarumood oo ay isticmaalaan ciidamada ilaalada kacaanka Iran.

Bayaan uu soo saaray Xoghayaha Difaaca, Lloyd Austin, ayuu ku tilmaamay inay ahaayeen “weerarro is-difaac oo sax ah”, oo lagu bilaabay jawaab celin weerarro xiriir ah oo dhawaanahan ka dhan ahaa ciidamada Mareykanka ee Ciraaq iyo Suuriya oo ay geysteen kooxo maleeshiyaad ah oo Iran ay taageerto.

Pentagon-ka ayaa sheegay in ugu yaraan 16 jeer la weeraray ciidamada Mareykanka iyo kuwa xulafada ah ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya, iyadoo ay sare u kacday xiisadaha ka taagan bariga dhexe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker