Dawladda El Salvador ayaa shaacisay in dadka tahriibeyaasha Ka Qaadi Doonto Lacag
Dawladda El Salvador ayaa shaacisay in dadka tahriibeyaasha ah ee doonaya in ay Maraykanka galaan laga qaadi doono lacag dhan $1,000 Dollar.
Dadka lacagtan laga rabo ayaa ah kuwa ka soo tahriiba waddamada Afrika iyo Hindiya ee dalkaas sii dhex mara
Dawladda ayaa sheegtay in lacagtan lagu dhisi doono garoommo waaweyn oo Caalamiya oo dalku yeelanayo.
El Salvador oo ka mida dalalka ay sii dhex maraan dadka doonaya in ay galaan waddanka Maraykanka kaas oo sannadkan oo keliya ay tahriib ku tageen dad kor u dhaafaya 3.2 Million oo qof.