Taangiyada Israa’iil oo u muuqda in ay gudaha u galeen Qasa

Sawirro la baahiyay ayaa muujinaya taangiyo iyo cagaf-cagafyo gaashaman oo gudaha u galaya Qasa. War ka soo baxay Israa’iil in ciidamadeedu isku diyaarinayaan dagaal dhulka ah, inkastoo aysan sawirradu arrintaa muujinayn.

Muuqaalka ay baahiyeen milatariga Israa’iil ayaa muujinaya kolonyo taangiyo ah oo ka tillaabaya xayndaabka Qasa.

Waxaa sidoo kale arrin adag ah in sawirrada laga qaato in ay muujinayaan gowrta uu bilaabanayo dagaalka Israa’iil ay qorsheynayso ee dhulka ah.

Luuqadda ay adeegsadaan ciidamada Israa’iil ayaa ka xoog badan tii weerarradii hore iyagoo sheegay in tani ay tahay “qeyb ka mid ah isu diyaarinta marxaladaha xiga ee dagaalka”.

Israa’iil ayaa dooneysa in ay sii waddo warka ku saabsan dagaalka ay qorsheynayso ee dhulka ah, iyadoo raysal wasaarahoodu uu sheegay in ay isku diyaarinayn dagaalkaas, laakin waxaa uu ka gaabsaday waqtiga ay qaadayaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker