Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka hadlay damaca itoobiya ee dekadda Saylac

Madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in Somaliland aaney marnaba oggolaan doonin in dekad lagu qaato hab aan sharci ahayn.

Wuxuu sheegay in qaabkii uu raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu soo hadal qaaday dekadda Saylac ay ahayd qaab ka duwan hababka loo galo heshiisyada caalamiga ah marka wax la kala qaadanayo.

Cabdiraxmaan Saylici ayaa intaa ku daray in Somaliland aaney diidaneyn in dekadda Saylac la horumariyo oo ay noqoto tan ku xigta dekadda Berbera.

Waxaa uu muujiyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland in arrintaan sidoo kale ay war ka soo saari doonaan madaxweyne Biixi iyo wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo maalmihii la soo dhaafay aad loo hadal hayay doonitaanka Itoobiya ee ku aaddan dekad saaran badda cas arrintaa oo rayal wasaare Abiy ka hor sheegay baarlamanaka dalkiisa dhawaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker