Israa’iil oo qaadday tillaabo ay kaga jawaabeyso hadalkii ka careysiiyay ee Guterres

Israa’iil ayaa sheegtay in ay dal ku galkeeda ka joojin doonto saraakiisha Qaramada Midoobey, iyadoo uga jawaabaysa hadal uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres uu shalay ka sheegay shirka Golaha Ammaanka oo ku saabsanaa dagaalka Isr’aaiil ay kula jirto Xamaas.

Safiirka Israa’iil ee Qaramada Midoobay, Gilad Erdan, ayaa sheegay in durba fiisaha loo diiday ku-xigeenka xoghayaha arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobey Martin Griffiths. “Waxa la gaaray waqtigii cashir la bari lahaa, ” ayuu yiri.

Mr Guterres ayaa sheegay in weerarada Xamaas ee koonfurta Israa’iil aan meel cidlo ah laga soo qaadin, Falastiiniyiintuna ay ku jiraan muddo 56 sano ah wax uu ku tilmaamay qabsasho neef-qabatoomid leh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker