Israa’iil oo duqeyn ku laysay askar Suuriyaan ah

Siddeed askari oo Suuriyaan ah ayaa lagu dilay todobona waa lagu dhaawacay duqaymo ay Israa’iil ku qaadday saldhigyo ciidan oo ku yaalla gobolka koonfureed ee Daraa, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

Wakaaladda wararka ee Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in weerarku dhacay xalay.

Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in ay weerareen bartilmaameedyo ciidamo Suuriyaan ah ay leeyihiin, iyaga oo sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay weerar ku qaadeen kaabayaasha milatariga kadib markii gantaallo looga soo tuuray xadka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker