Dalka Morocco Oo Ku Biiraay Dalalka Xidhiidhka La Yeeshay Israa’iil

Dalka Morocco ayaa noqday dalkii ugu dambeeyay oo ka tirsan Jaamacadda Carabta isla markaana ogolaada inuu xidhiidh diblomaasiyadeed la yeesho Israa’iil waxaana heshiiskaan gar wadeen ka ah dowladda Mareykanka.

Morocco ayaa sida la rumeysan yahay qaadatay heshiiska kadib markii qeyb ka mid ah uu Mareykanka ku ogolaaday inuu aqoonsado sheegashada Morocco ee ku saabsan gobolka lagu muransan yahay ee Saxaraha Galbeed.

 

Waa dhulka ay isku hayaan Morocco iyo Jabhadda Polisario oo ay Aljeeriya taageerto, oo doonaysay inay samaysato dowlad madax bannaan. Morocco waa dalkii afraad ee heshiis noocan ah la sameeya Israel tan iyo bishii Ogoosto. Sidoo kale Israa’iil ayaa heshiisyo dhowaan la’gashay dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Suudaan.

Muxuu yahay heshiisku?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa heshiiskan ku shaaciyay bartiisa Tuwiitter-ka Khamiistii waxaana uu yiri. “Guul kale oo taariikhi ah maanta! Labadeenna Saaxiib ee waaweyn ee Israel iyo Boqortooyada Morocco waxay ku heshiiyeen xiriir buuxa oo diblomaasiyadeed – horumar ballaaran oo nabadeed oo laga gaaray Bariga Dhexe.”

Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump iyo Boqorka Morocco Boqor Maxammedka lixaad ay isku raaceen in Morocco ay “dib u bilaabi doonto xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay Morocco iyo Israel ayna balaarin doonto iskaashiga dhaqaale iyo dhaqan si loo hormariyo xasiloonida gobolka.”

Heshiiska waxaa ka mid ah in dib loo furo xafiisyada xiriirinta ee Tel Aviv iyo Rabaat, iyo ugu dambeyn furitaanka safaaradaha. Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Morocco ay aqbali doonto in diyaaradaha Israel ay hawadeeda maraan isla markaana duulimaad toos ah ku tagaan isla Israel.

 

Ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu wuxuu bogaadiyay heshiiska “taarikhiga ah.”

Khudbad uu ka jeediyay telefishinka, wuxuu u mahadceliyay boqorka Morocco wuxuuna sheegay in dadka Israa’iil iyo Morocco ay leeyihiin “xiriir wanaagsan wakhtigaan casriga ah.”

Waa sidee xaalka dhulka Saxaraha ee lagu murunsanyahay?

Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa sheegay inuu aqoonsan doono sheegashada Morocco ee ku aadan dhulka saxaraha inuu yahay qeyb ka mid ah heshiiska.

Boqorka Morocco iyo Madaxweyne Trump oo wadahadal ku yeeshay khadka telefoonka ayaa ka wada hadlay xaaladaan waxaana uu Mr Trump u xaqiijiyay Boqorka taageerada uu u hayo ee ku saabsan dhulka lagu murunsanyahay iyo sheegashada Morocco ee lahaanshiyaha dhulka.

Gumaystihii Spanish-ka ayaa dhulkaan ku daray Morocco sanadkii 1975-kii wixii intaas ka dambeyna waxaa jiray muran soo jiitamayay oo ku saabsan dhulkaan una dhaxeeyay dadka asalkoodu yahay saxraawiyiinta oo hoos taga maamulka Jabhadda Polisario.

Morocco waxay sheegaysaa in dhulkaan illaa wakhti hore uu qayb ka ahaa dalkeeda halka Midowga Afrika-na uu u aqoonsan yahay dal madax-bannaan.

Kacdoon socday muddo 16 sano ah ayaa ku dhammaadey heshiiskii ay garwadeenka ka ahayd Qaramada Midoobey ee sanadkii 1991kii dhacay iyo ballanqaadkii aftida madaxbanaanida, taas oo aan weli dhicin.

Bishii la soo dhaafay, Jabhadda Polisario ee gobannimo-doonka ah waxay sheegtay in xabad-joojinta oo soddon sano jirsatay lagu soo afjaray hawlgal milateri oo Morocco ay ka fulisay aagaas.

Lotfi Bouchaara, safiirka Morocco u fadhiya magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayaa u sheegay barnaamijka Focus on Africa ee BBC-da in Morocco aysan jabin xabad joojinta laakiin ay ciidankeedu ka jawaabayaan daandaansiga dagaalyahanada Polisario oo xiray waddo muhiim ah oo loo maro Mauritania.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker