Israa’iil oo sheegtay in ay duqeysay boqollaal goobaad oo Qasa ku yaalla

Ciidamada milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeeyeen 400 oo bartilmaameed oo ku yaalla Qasa 24 kii saac ee la soo dhaafay.

Warka ka soo baxay milatariga IDF ee Israa’iil ayaa lagu sheegay in goobaha duqeynta lala beegsaday ay ku mid yihiin meelo ay Xamaas ka soo riddo gantaallada ay ku garaacdo deegaannada Israa’iil.

Hadalka ayaa imaanaya iyadoo dad badan oo rayid ah ay waxyeello ka soo gaartay duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ay ka gaysanayaan Marinka Qasa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker