Dad badan oo ku dhintay webi ku yaalla Congo iyo faahfaahin ka soo baxaysa shilka dhacay

Ugu yaraan 40 qof ayaa ku qaraqmay Webi kadib markii doon ay la socdeen ay ku degtay Webi mara galbeedka dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Congo, toddobaad kadib markii shil kan la mid ahaa oo ay ku dhinteen dad gaaraya 47 uu dhacy.

Doonta dadkaan ay la socdeen ayaa ka sameysneed alwaax waxaana webiga ay ku degtay lagu magacaabaa ulonga.Shilkaan ayaa dhacay Sabtidii,waxaana uu ka dhacay meel u dhow tuulada Boyeka ee gobolka Equateur.

Dadka doonta saarnaa ayaa badankood ahaa ganacsato waxaana ay ka soo laabteen marka uu shilku dhacayay suuq lagu magacaabo Mbandaka.

Tirada dhimashada ayaa lagu warramayaa in ay sare u kici karto, iyadoo la sheegayo in dadka lagu la’yahay webiga ay tiradoodu badantahay.Dad ka badan 200 oo qof ayaa la soo badbaadiyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker