Magaalada Israel Ku taalla ee ka fakreyso inay sameyso magaalo Tendho ah dadka kusoo barakacay awgeed

Magaalada Eilat ee ku taal koonfurta Israa’iil ayaa ka fikiraysa inay sameyso magaalo teendhooyin ah oo hoy u noqoto kumannaanka qof ee halkaas u guuray tan iyo markii uu dagaalku billowday, sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil.

Duqa magaalada Eilat – oo ah goob fasaxa lagu nasto oo ku taal badda cas – ayaa sheegay in dadka magaalada ay laba jibaarmeen, iyadoo in ka badan 60,000 oo qof ay yimaadeen.

Waxay ilaa hadda daggeen 12,000 qolal huteello ah, 4,000 oo meelo si gaar ah loo kiraysto ah iyo sidoo kale xarumo martigelineed oo gaar ah.

“Waxaan eegeynaa dhammaan noocyada kala duwan ee fursadaha, oo ay ku jirto in la dhiso magaalo teendho ah,” duqa magaalada Eli Lankri ayaa u sheegay Channel 12 ee Israel.

“Waxaan diyaar u nahay qorshayaashii aan diyaarinay usbuucii hore, waxaana u soo bandhigi doonaa kuwa go’aamiya”.

Sida ay sheegtay xukuumadda Israa’iil, in ka badan 200,000 oo Israa’iiliyiin ah ayaa ku barakacay gudaha dalka tan iyo weerarkii 7-dii Oktoobar – iyadoo dadku ay ka qaxayaan deegaannada u dhow xadka Gaza iyo Lubnaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker