Xamaas oo sheegtay in 55 qof xalay lagu dilay Qasa

Xamaas ayaa sheegtay in ugu yaraan 55 qof lagu dilay duqeyntii xalay lagu qaaday magaalada Qasa, sida laga soo xigtay wakaaladda warrarka ee AFP.

Sidoo kale waxay sheegtay in la burburiyay 30 guri saacaddihii ay duqeyntu socotay.

Afhayeenka milatariga Israa’iil Daniel Hagari ayaa sheegay inay kordhiyeen duqeynta ay ku hayaan marinka Qasa, xili ay isu diyaarinayaan in ay qaadaan weerar dhinaca dhulka ah.

Afahyeenka ayaa sheegay in weerarradan ay yareyn doonaan khatarta ay la kulmi karaan ciidamadooda marka ay qaadaan weerarka dhinaca dhulka ah, wuxuu u sheegay dadka rayidka ah ee falastiiniyiinta ee ku dhaqan Qasa, inay u guuraan dhinaca koonfureed si ay naftooda u badbaadiyaan.

Dhinaca kale, Israa’iil waxay xalay duqeyn xagga cirka ah ku qaaday Daanta Galbeed ee la haysto, waxayna garaacday masjid ku yaala Janiin oo ay ku sheegtay in uu ahaa talis argagixiso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker