Musaambiik oo gubaysa 45,000 oo digaagadood ama dooro

Musaambiik ayaa gubaysa 45,000 oo digaagadood si ay u xakamayso hargabka shimbirraha ee ka imaanaya Koonfur Afrika.

In ka badan 45,000 oo digaagadood ayaa la gowracay, la gubay, deetana la xabaallay koonfurta Musaambiik si looga hortago faafitaanka xanuunka hargabka shimbirraha sida ay sheegeen saraakiisha wadankaasi.

Digaaggan ayaa laga soo dhoofiyay dalka dariska ah ee Koonfur Afrika, halkaas oo uu cudurku ka dilaacay.

Cudurka ayaa hadda ku faafay degmada Morrumbene ee ku taala gobolka Inhambane ee koonfurta dalka Musaambiik.

Masuuliyiinta ayaa isku dayaya inay xakameeyaan faafitaanka cudurka, iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo inuu qaybo kale ka dilaaco.

Hargabka shimbirraha waa cudur faafa oo ka yimaada digaagga iyo shimbirraha duurjoogta ah.

Wuxuu si dhakhso ah ugu faafi karaa shimbirraha dhexdooda maalmo guduhood.

Cudur kan ayaa keenay in ay yaraato ugunta iyo hilibka digaagga, taasina waxay kordhisay qiimaha lagu kala iibsado maalmihii ugu dambeeyay guud ahaan dalka Musaambiik oo ay ku jirto caasimadda Mabuto.

Qiimaha hilibka digaagga ayaa ku dhawaad laba laabmay, isagoo ka tagay 350 lacagta Musaambiik, gaaryna illaa 600. Ukunta ama beedka ayaa iyana darsinkii ka tagtay 100 metical gaartayna 150 lacagta Musaambiik.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker