Israa’iil oo u sheegtay muwaadiniinteeda inay ka baxaan Masar iyo Urdun
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in dawladda Israaβiil ay muwaadiniinteeda ku sugan Masar iyo Urdun u sheegtay inay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan.
Wakaaladda wararka ayaa soo xiganaysa bayaan ka soo baxay golaha ammaanka qaranka Israa’iil, kaas oo sheegay in ay sare u qaadayaan digniinaha safarka ee Masar (oo ay ku jirto Sinai) iyo Urdun ilaa heerka 4 (khatarta sare eh): talo bixinta in aan loo safrin dalalkan iyo in kuwa sii joogaya ay ka baxaan … sida ugu dhaqsaha badan”.
Horraantii toddobaadkan, heerka digniinta ayaa sidan oo kale kor loogu qaaday Turkiga iyo muwaadiniinta Israa’iil ee halkaas ku sugan ayaa lagu amray inay baxaan