Burbur soo gaaray kaniisad qadiimi ah oo ku taal magaalada Gaza

Sawirro maanta soo baxay ayaa muujinaya burburka kaniisad qadiimi ah oo ku taal magaalada Gaza ka dib markii habeenkii Khamiista uu qarax ka dhacay.

Xukuumadda Gaza ee Xamaas maamusho ayaa hadda sheegtay in 18 Falastiiniyiin ah oo Masiixiyiin ah lagu dilay qaraxa ka dhacay Kaniisadda Saint Porphyrius, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters. BBC ma aysan awoodin inay xaqiijiso tiradan.

Xamaas ayaa hore u sheegtay in dadku ay gabaad ka dhiganayeen kaniisadda waxayna ku eedeeyeen weerarka cirka ee Israa’iil inay ka dambaysay burburka.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in diyaaradahooda dagaalku ay duqeeyeen xarun laga maamulo oo ku lug lahayd gantaallada iyo madaafiicda loo adeegsado Israa’iil, taasna waxa ay keentay in “darbi kaniisad ku taal aaggaas uu burbur soo gaaro”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker