Nuxurka warka ka soo baxay siyaasiinta mucaaradka Somaliya

Madaxweynaha malahan Awood Dastuuri ah oo uu go,aan uga gaari karo inta xisbi ee uu dalku yeelanayo.
Madaxweynaha waxaa uga digeynaa Faragalinta joogtada ah ee uu ku haya Ha,adaha Sharci dajinta dalka una badax baneyo Howsha loo idmaday.
Waxaan ku baaqeynaa kuna Boorineynaa Baarlamaanka Somaaliyeed in ay Gutaan waajibkii iyo masuuliyadii loo idmaday ee loo doortay dhowraana Dastuurka,shuruuda dalka iyo Xeer hoosaadka Golaha.
Waxaan ku talineynaa in laga foojignaado Khatarta iyo Qalalaasha ka dhalan doono Dastuur lagu badalo Gacan taag iyo Kooram aan loo dhameyn islamarkaana baalmarsan shuruucda dalka iyo Xeer hoosaadka Golaha shacabka.
Waxaan ka digeynaa in aan khatar lagalin nidaamka Awood qeybsiga beelaha Somaaliyeed lagana foojignaado wax kasta oo shaki galin kara Awood qeybsiga dalkeenana u hor seedi kara dib u dhac.
Waxaan beesha caalamka ugu baaqeynaa in isha ku hayaan xaalada murursan ee dalka ku jiro

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker