Jim Jordan oo mar kale ku fashilmay codeyntii afheeynka Aqalka Wakiillada

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee u sharaxan afhayeenka aqalka wakiillada ee Maraykanka, Jim Jordan, ayaa maalintii labaad oo xidhiidh ah ku guuldaraystay inuu helo codad ku filan, si uu u noqdo afhayeenka golaha.

Jim Jordan oo laga soo doorto gobolka Ohio ayaa taageera weyn u ah madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump.

Codayn dhacday maalinimaddii Arbacada ayuu helay 199 mudane oo ka mida 433 xildhibaan ee joogay golaha, waxaana ka soo horjeestay 22 xildhibaan oo xisbigiisa ah. Jim Jordan ayaa u baahan inuu helo 217 mudane si uu u noqdo afhayeenka golaha.

Musharaxa la tartamayey ee ka sharaxnaa xisbiga Dimoqraadiga, Hakeem Jeffries oo laga soo doorto gobolka New York ayaa helay dhammaan codadka xisbigiisa dimoqraadiga oo ah 212 mudane.

Aqalka wakiillada ee Maraykanka ayaanay wax shaqo ahi ka soconin muddo laba toddobaad ah, ka dib markii xilka laga qaaday afhayeenkii hore ee golahaas Kevin McCarthy oo ka soo jeeday xisbiga Jamhuuriga.

Golaha ayay horyaallaan shaqooyin badan oo ay ka mid yihiin, inuu ansixiyo sharciyada lagaga hortegayo in xukuumaddu ay qayb ahaan xidhanto marka la gaadho bisha November 17-keeda iyo in goluhu ansixiyo taagero loo fidiyo Israa’iil oo saaxiib dhow la ah Maraykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker