Tirada Dhimashada Cudurka Coronavirus Ee Talyaaniga Oo Ka Badatay Ta Shiinaha

Xanuunka corona ayaa dalka Talyaaniga ku dilay dad ka badan inta uu ku dilay dalalka kale ee caalamka, kadib markii maalin keliya ay dalkaas ku dhinteen dad gaaraya 427 qof.

 

Tirada dhimashada ee dalkaas ayaa haatan mareyso 3,405, taas oo ka badan tirada dadka ku dhintay dalka Shiinaha oo ah halka markii hore uu ka bilawday.

 

Dalka Shiinaha ayaa waxaa xanuunkaas ugu dhintay 3,245 qof balse waxaa su’aal la gelinayaa sax ahaanshaha tiradaas, maadaama aysan jirin cid si madaxbanaan u xaqiijin karta.

 

Dhammaan shacabka dalka Talyaaniga ayaa lagu amray in ay guryahooda ku nagaadaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker