Shiinaha oo ka hadlay weerarka Cusbitaalka lagu qaaday

Ka dib falcelinta Carabta, wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegtay inay cambaareyneyso waxa ay ugu yeertay “weerarka” isbitaalka – inkastoo aysan si cad u eedayn Israel, ama mintidiinta Falastiiniyiinta.

“Shiinuhu aad ayuu uga naxay, wuxuuna si adag u cambaareynayaa weerarka lagu qaaday cisbitaalka Gaza, kaasoo sababay khasaare baaxad leh,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Shinaha.

“Waan u baroor diiqaynaa dadkii ku dhintay, waana u tacsiyeynaynaa kuwa dhaawacmay.

“Shiinuhu wuxuu ku baaqayaa xabbad-joojin degdeg ah oo lagu joojiyo colaadda iyo dadaal kasta oo suurtagal ah si loo ilaaliyo rayidka loogana hortago musiibo bini’aadanimo oo ka sii daran.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker