Shir Lagu Falanqeeyey Dawladnimada iyo Dimuqraadiyadda Somaliland oo Lagu Qabtay Sweden
Kulan lagaga hadlayey qaddiyadda madax banaanida JSL ayaa lagu qabtay ayaa lagu qabtay Baarlamaanka Waddanka Sweden. Kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Xildhibaannada Guddida Arrimaha Dibadda ee dalkaaasi.
Kulankaasi waxa ka soo qayb galeen Siyaasiyiin iyo Ganacsato reer Sweden ah, kuwaasi oo danaynaya arrimaha maalgashigga dalka Somaliland.
Sidoo kale waxa kulankaasi goob joog ka ahaa Xubno ka mid ah golaha Wasiirrada Somaliland, kuwaasi oo kala ahaa Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal iyo Wasiirka Wasaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare iyo xubno ka tirsan Safaaradda Somaliland ee dalka Sweden.


Shirkaasi ayaa si qoto dheer loogu lafo guray qaddiyadda madax bannaanida Somaliland iyo fursadaha maalgashigga ee ka bannaan.
Xildhibaannada Baarlamaanka dalka Sweden ee kulanka ka qaybgalay ayaa sheegay in Somaliland uu ka jirto dawladnimo shaqeynaysa iyo nidaamka dimuqraadiyadda.Waxa kaloo ay sheegeen inay dedaal xooggan ugu jiraan sidii ay dawladda wadanka Sweden ugu dhaadhicin lahaayeen inay aqoonsi buuxa u fidiso Jamhuuriyadda Somaliland.