Xadka Qaza ee Masar oo weli xiran

Xadka u dhaxeeya Masar iyo Gaza ayaa wali xiran, inkastoo ay jiraan warar hore oo sheegayay in ay ku dhowdahay in ay dib u furto dadka ajnabiga ah dartood.

Dadweyne aad u fara badan ayaa isugu soo baxay isgoyska Rafah, iyagoo sugaya in xadka laga furo.

Rafah ayaa ku taal xuduudka u dhaxeeya gacanka Siinaay ee Masar iyo Gaza oo ay maamusho Xamaas waana marinka kaliya ee laga galo dhulka aysan maamulin Israel.

Ma jirto waddo ay dadku uga baxaan Gaza hadda -maadaama dhammaan isgoysyadu ay xiran yihiin – oo aysan jirin waddo ay gargaar ku galaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker