“ Marka Lasoo Qabto Dadka Wax-Yeelanaya Duur-joogta,Waa Lasii Hadaynayaa Hadana|”. Wasiir SHUKRI

Hargaysa:(OWN)-Wasiirka Deegaanka Somaliland,Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare,ayaa sheegtay inay laamaha ammaanka iyo Maxkmaduhu sii daynayaan dadka lagu soo eedeeyo wax-yeelaynta Deegaanka.

Wasiir Shukri,waxay sheegtay inay arintaas ay aad uga xun yihiin,isla-markaasna ay dalbanayaan in aanay soo noq-noqon.

Waxay sheegtay in Dadka lasii daayaa ay halkii kasii wadaan ka-ganacsiga Duur-joogta,taasina ay dhabar-jab ku tahay dedeeladda lagu ilaalinyo Duur-joogta iyo Deegaankaba.

Waxay ugu baaqday guud ahaanba shacabka in aan wax naxariis ah loo yeelan dadka ku leh ugaadhsiga iyo ka-ganacsiga Duur-joogta.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker