Mareykanka oo qorsheynaya inuu burburiyo shir-madaxeedka Ruushka iyo Afrika

Maraykanka ayaa isku dayaya inuu burburiyo shir-madaxeedka la qorsheeyay ee Ruushku la yeelanayo dalalka Afrika, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu go’doominayo Moscow, sida uu ku sheegay wareysi Talaadadii lala yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Sergei Lavrov.

Lavrov ayaa u sheegay barta wararka ee Argumenty i Fakty in Moscow ay ka duwan tahay waddamada reer galbeedka marka la eego xiriirka ay la leedahay Afrika. “Weligay uma sheegin saaxiibadeenna shisheeye sida ay tahay inay u noolaadaan. Ma lihin ajande qarsoon”ayuu yiri.

Moscow ayaa isu diyaarinaysa shir-madaxeedkii labaad ee ay la yeelato waddamada Afrika, kaas oo la qorsheeyay in dhamaadka bisha July uu ka dhaco St. Petersburg, kaas oo looga hadlayo mashaariicda kaabayaasha, tignoolajiyada iyo tamarta.

“Waa run in Maraykanka iyo gacan-ku-dhiiglayaashiisu ay sameynayaan wax kasta oo suurtagal ah si loo gaaro go’doominta caalamiga ah ee Ruushka, si gaar ah, waxay isku dayayaan inay burburiyaan shirka labaad ee la qorsheeyay ee Ruushka iyo Afrika … si ay uga dhaadhiciyaan saaxiibadeena Afrikaanka ah inaysan ka qaybgalin.” ayuu raaciyay Lavrov.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka si toos ah ugama aysan jawaabin eedeymaha Lavrov, balse waxay sheegtay in Washington ay doonayso in ay xiriir adag la sameyso dalalka Afrika “si aan wax uga qabanno caqabadaha guud ee naga dhaxeeya, siyaasaddayada ku wajahan Afrika waxay khuseysaa Afrika.” ayaa lagu yiri bayaanka Mareykanka.

Reuters

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker