Qatar iyo Sacuudi Carabiya ‘si cad ayay u diideen’ daadgureynta dadka reer Gaza

Qatar iyo Sacuudi Carabiya ayaa labaduba sheegay inay si cad u diiddan yihiin barakicinta xoogga ah ee Falastiiniyiinta ee gudaha Gaza, ka dib markii Israel ay ugu baaqday dadka reer Gaza inay ka baxaan waqooyiga dhulka ay aadaan dhanka koonfurta.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa lagu sheegay in ay ku baaqayso in “laga qaado go’doominta marinka Gaza, lana siiyo difaac buuxa oo la siiyo dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta sida uu qabo shuruucda caalamiga ah iyo kuwa bini’aadantinimada”.

Hadalo kuwan la mid ah ayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudigu habeen hore kusoo qortay X.

Waxaa ay sidoo kale ku baaqday in la siiyo gargaar iyo sahay caafimaad oo la siiyo dadka deggan Gaza, Sucuudiga ayaa sheegay in “gaar ahaan in dadka Gaza loo diido waxyaabahan aasaasiga ah si ay sharaf ugu noolaadaan waxay la mid tahay xad-gudub sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker