Dab Qabsaday Kaalin Shidaal Oo Ku Taala Magaalada Gaalkacyo

Wararka aan Caawa (Xalay) ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi kaalin shidaal oo ku taalla uu ka kacay Dab.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in dabku uu ahaa mid xoogan,isla markaana uu kusii faafay goobo kale oo ku yaalla Magaaladaasi.

Goobta uu dabka ka kacay ayaa waxaa ku sugan dad farabadan, kuwaasi oo wada dadaalo lagu damiyo dabkaasi ka kacay Kaalinta lagu iibiyo Shidaalka ee ku taalla Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Weli macada Khasaaraha uu geystay dabkaasi,maadama xili habeen ay tahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker