Israa’iil oo looga digayo adeegsiga hub halis ku ah dadka

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay, in isticmaalka kiimikada phosphorus ee meelaha ay dadku ku badan yihiin ay xad gudub ku tahay waajibaadka sharciga ah si looga fogaado waxyeelo soo gaarta dadka rayidka ah.

Hay’addu waxay warbixinteda ku eedeysay ciidanka Israa’iil adeegsiga hubkan howlgaladooda Qasa iyo Lubnan, Kiimikadan ayaa sababta dhaawacyo halis leh iyo kuwo waqti dheer ahaan kara kuwa aan laga bogsan.

Mar wax laga waydiiyay eedaymaha loo soo jeediyay, milatariga Israa’iil waxa ay sheegeen, in aanay hadda ka warqabin adeegsiga hubkaas ee Gaza.

Hubkan halista ah waa walxo kiimiko ah, oo ku jira madaafiicda, bambooyinka iyo gantaallada, kuwaas oo holca marka ay la falgalaan Ogsajiinta.

Falcelinta Kiimikadan waxay abuurtaa kulayl aad u daran oo gaaraya 815-degree Celsius, waxayna soo saartaa iftiin iyo Qiiq cad oo qara weyn kaas oo loo isticmaalo ujeedooyinka militariga,si loogu dhunto howlgalada gaarka ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker