Isku daygii Scalise ku noqon lahaa Afhayeenka Golaha Wakiilada oo fashilmay

Xildhibaan Steve Scalise, oo ahaa musharaxii ay mudanayaasha Xisbiga Jamhuurigu u xusheen inuu u tartamo jagada afhayeenka Golaha Wakiillada ee Maraykanka, ayaa haatan ka hadhay tartankaas

Fashilka ku yimid isku daygii Scalise ayaa waxaa sabab u ah in uu ku guuldaraystay inuu kasbado codadka xisbigiisa, si uu u noqdo afhayeenka golaha.

Xildhibaan Scalise ayaa fadhi xidhan oo ay yeesheen mudanayaasha xisbiga Jamhuurigu, goor dambe oo Khamiistii ah, wuxuu u sheegay go’aankiisa uu kaga hadhayo tartanka.

Illaa haatan lama oga, tallaabada xigta ee la qaadi doono. Sidoo kale waxaa haatan hakad ku jira dhammaan shaqooyinkii aqalka wakiillada ee Maraykanka, maadaama uu banaan yahay afhayeenkii goluhu, ka dib markii toddobaadkii hore, si lama filaana xilka looga qaaday afhayeenkii golaha Kevin McCarthy.

Xildhibaan Scalise ayaa labadii maalmood ee ugu dambaysay wuxuu gucle ugu jiray, sidii uu saaxiibadii uga dhaadhicin lahaa, inay taageeraan, hase ahaatee wax guul ah kama gaadhin arrintaasi.

AP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker