Maxay yihiin baarashuudyada ka yaabiyay caalamka ee ay Xamaas ku weerareen Israa’iil?

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa soo bandhigay hub cusub oo dagaalyahannadooda ay u adeegsadeen markii ugu horreysay weerarka ay subixii 7-da October ku qaadeen Israa’iil, waxaana hubkaas ugu mudan barashuudyo.

Dagaalyahannada Izz al-Din al-Qassam Brigades, oo ah garabka milatari ee dhaqdhaqaaqa, ayaa weerar ku qaaday xarumaha milatariga Israa’iil iyo magaalooyin ku hareereysan Marinka Gaza, kaasoo ahaa weerar kedis ah oo ay ku magacaabeen β€œDaadadka Al-Aqsa.”

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil oo lagu magacaabo Richard Hecht ayaa xaqiijiyay in dagaalyahannada Falastiiniyiinta ay barashuudyo uga soo daateen badda iyo dhulka.

Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday ayaa muujinaya Al-Qassam Brigades oo barashuudyo u adeegsanaya weerarkooda, waana markii ugu horreysay ee ay adeegsadaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker