Maxay yihiin baarashuudyada ka yaabiyay caalamka ee ay Xamaas ku weerareen Israa’iil?

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa soo bandhigay hub cusub oo dagaalyahannadooda ay u adeegsadeen markii ugu horreysay weerarka ay subixii 7-da October ku qaadeen Israa’iil, waxaana hubkaas ugu mudan barashuudyo.

Dagaalyahannada Izz al-Din al-Qassam Brigades, oo ah garabka milatari ee dhaqdhaqaaqa, ayaa weerar ku qaaday xarumaha milatariga Israa’iil iyo magaalooyin ku hareereysan Marinka Gaza, kaasoo ahaa weerar kedis ah oo ay ku magacaabeen “Daadadka Al-Aqsa.”

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil oo lagu magacaabo Richard Hecht ayaa xaqiijiyay in dagaalyahannada Falastiiniyiinta ay barashuudyo uga soo daateen badda iyo dhulka.

Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday ayaa muujinaya Al-Qassam Brigades oo barashuudyo u adeegsanaya weerarkooda, waana markii ugu horreysay ee ay adeegsadaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker