Dhegayso: Danjire Danjiraha Somalia U fadhiya Dalka Libya oo Laga waraystay Qaxoontiga la gaynayo Dalka Rwanda
Dowladda Rwanda ayaa aqbashay inay qaabisho boqolaal qaxooti African ah oo megangalyo doon ah oo ku Xidhanย Xeryo ku yaala dalka Libya.
Rwanda ayaa ku ogolaatay qaabiladda qaxootigan heshiis ay shalay magaalada Addis Ababa kula gaadhay hayโadda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR iyo Midowga Africa, islamarkaana fulintiisa uu maal-gelinayo Midowga Yurub.
Qeybta ugu horreysa oo ah 500 oo qof, oo ay ku jiraan caruur iyo haween u badan kuwa ka soo jeeda Geeska Africa ayaa loo daad gureynayaa Rwanda toddobaadyada soo socda.