Israel oo ku dhowaaqday inay go’doomisay Marinka Gaza

srael ayaa ku dhawaaqday inay gebi ahaanba go’doominayso Marinka Gaza, taasoo la micno ah inay ka jarayso cunnada, biyaha iyo korontada.

Gaza ayaa waxaa maamula kooxda Xamas oo hadda dagaal kula jirta Israel, balse waxaa ku nool in ka badan 2 milyan oo shacab ah.

Dhimashada labada dhinac ayaa sii kordheysa iyada oo weli ay dagaalladu sii socdaan.

Saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in dhowr iyo toban Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, lagu dilay duqeyn ay Israel ka gaysatay xerada qaxootiga ee Jabalia, Isniintii.

Saraakiisha caafimaadka ayaa intaas ku daray in in ka badan 500 oo qof ay ku dhinteen dagaallada ugu dambeeyey, halka 120,000 oo qofna ay guryahooda ka carareen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker