Hogaamiyaha Iiraan: ‘Gacanta ayaan ka dhuunkaneynaa kuwii weerarka soo qaaday’

Hogaamiyaha ruuxiga Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah, in Iiraan ay ku lug lahayd weerarkii ay Xamaas Sabtidii ku qaadeen Israel.

Balse, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, waxay qortay inuu yiri, ‘gacanta ayaan ka dhuunkaneynaa kuwii qorsheeyay weerarka lagu qaaday Israel’.

Hogaamiyaha Iiraan ayaa sheegay, in Israel ay leedahay mas’uuliyadda weerarkaas. Waa markii ugu horeysay oo uu hogaamiyahan ka soo muuqdo telefishan, tan iyo weerarkii dhacay Sabtidi ee u dhaxeeya Xamaas iyo Israel.

Ayadoo uu meel adag marayo dagaalka uu ururka Xamaas ku qaaday Israa’iil, ayaa waxaa soo baxayay in Iiraan ay ka caawisay ururkaas weerarakaas aan la sii fileyn.

Abaabulka ayaa sida la sheegayo socday muddo sanooyin ah, waxaana lagu ansaxiyey kulan ka dhacay magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan todobaadkii hore kaasoo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan Xamaas iyo Xisbullah, sida uu qorayo wargayska the Wall Street Journal.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker