Raysal wasaaraha UK oo shir gudoomin doona shir degdeg ah

Raiisel wasaaraha UK Rishi Sunak ayaa marti galin doona kulan degdeg ah oo loo nyaqaan ‘Cobra’ kaas oo looga hadlo xaaladaha degdeg ah ee gudaha ama gobolka ka jira. Shirka ayaa dhici doona galinka dambe ee isniinta iyadoo ay socdaan rabshadaha ka socda Israel iyo Gaza ka dib weerarkii Xamaas.

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Nottinghamshire, Sunak ayaa sheegay in muuqaallada ka imaanaya Israa’iil ay ahaayeen “wax laga naxo” Xamaasna ay geysanayaan falal argagixisanimo.

Sunak wuxuu sheegay inuu “si dhow” ula shaqeynayo Israa’iil si uu u caawiyo muwaadin kasta oo British ah oo ku sugan waddanka.

Waxa uu intaa ku daray in taageero kasta oo ay u baahan tahay uu siin doono Israa’iil, isagoo isla markaana sheegay inay xulafo adag yihiin.

Xafiiska Arimaha Dibada ee UK ayaa ka taliyay dhammaan safarada maraka laga reebo kuwa lama huraanka ah ee gobolka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker