Madaxweyne Xasan Sheekh oo hoggaaminta dagaalka Galmudug ka socda ku wareejiyay Madaxweyne Qoorqoor kaddib markii uu u dhoofay Ereteriya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaraddaha ee Aden Cabdulle, isagoo ku sii jeeda dalka Ereteriya.

Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in safarka Madaxweynaha oo ah mid shaqo looga gol leeyahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan ee dhinacyada amniga iyo difaaca si loo xoojiyo amniga mandiqada.

Kumannaan ka tirsan ciidanka Soomaaliya ayaa tababbar ku qaadanaya ama ku qaatay dalka Ereteriya.

Xiriirka labada wadan ayaa dib u bilowday xiligii Dawladdii hore ee Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, markaas oo illaa shan kun oo askari oo Soomaali ah tababar loogu qaaday Ereteriya.

Warfaafinta Madaxtooyada ayaa sheegtay in dagaalkii uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh ee ka socday Galmudug loo xil saaray Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), marka uu Madaxweyne Xasan soo laabatana uu halkiisa ka sii ambaqaadi hoggaanka dagaalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker